Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Puntland ‘Madaxweyne Deni wuxuu ku ciyaaray Hab-maamuuskii dowladnimada “

February  23, 2020 (Awdinle Online) –Waxaa soo ifbaxay khilaaf ku saabsan cidda leh awooda maamulka dowlad goboleedka Puntland marka ay madaxweynaha,madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ka wada maqan yihiin Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame oo ka hadlay arrintan ayaa madaxweynaha Puntland Deni ku eedeeyay in uu ku ciyaaray Hab-maamuuskii dowladnimo kadib markii uu kusime ka dhigtay wasiirka Cadaaladda.

xildhibaan Ismaaciil ayaa sheegay in haddii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu dalka ka maqan yihiin ay tahay in talada lagu celiyo Guddoonka Baarlamanka maadaama Puntland ku dhisantaha hab Baarlamaan ama Parliamentary system.

“Puntland waa baarlamanteri haddii madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay maqan yihiin waa in talada Baarlamaanka lagu soo celiyaa, sida aan hadda wax ku wadno waa ‘Maamuus ku ciyaarid” ayuu yiri xildhibaan Ismaaciil.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Saciid Deni, ku xigeeniisa Axmed Karaash iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Abwaan Jibriil, waxaa kusime madaxweyne ka ah Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta,Dastuurka iyo Dhaqan Celinta Cawil Sheikh Xaamud.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com