Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyey miisaaniyadda Sanadedka 2020

Xildhibaanada Baarlamanka Labaad ee Dowlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa ay yeesheen mid kamid ah kulamadooda,iyaga oo kulankooda kuuga doodey miisaaniyadda ay soo gudbisey Wasaarada Maliyada Dowlada Galmudug.

Dood dheer ,kadib Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ay ansixiyeen miisaaniyada 2020 oo gaaraysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar).

Guddoomiyaha Baarlamanaka Galmudug Dr Maxamed Cali Gacal ayaa sheegay inay ansax tahay miisaanadda 2020 ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo sanadkii 2018 aheyd 8 milyan,waxaana la kordhiyay in ka badan 50%.

Fadhigii Maanta oo Baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa loo diidey Warbaahinta inay ka qeyb-galaan,iyada oo Guddoonka Baarlamaanka Galmudug aysan faah faahin ka bixin sababaha ay uga qeyb geli waayeen.