Dhageyso :-Dignin loo diray siyaasiyiinta mucaaradsan dowlada soomaaliya

February  24, 2020 (Awdinle Online) –Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta ka aragi duwan (mucaaradka) iney la shaqeeyaan madaxda Dowladda Federaalka sida ay iyagu u jecel yihiin in loola shaqeeyo marka ay kursiga joogaan.

Cali Maxamed Geedi ayaa ka digay in qalbiga laga jabiyo shacabka Soomaaliyeed oo u ooman una baahan Dowladnimo iyo xasilooni.

Cali Maxamed Geedi” Dowlada Soomaaliya cidaan u naxeynin waxaa lagu sifeey karaa in aaney garaneyn meesha laga keenay iyo sida lagu keenay aniga Cali Maxamed Geedi ahaan Lex-jeclo ayaa iga heyso dalkaan

Ra’iisal wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd Cali Maxamed ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad xalay lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir,wuxuuna hadalkiisa ku soo beegay xilli shalay Muqdisho lagu qabtay shirka Beelaha Mudulood.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com