Laamaha amaanka Kenya oo xiray laba ruux Somali ah

February  24, 2020 (Awdinle Online) –Ciidamada Booliska dalka Kenya gaar ahaan Ciidanka dambi baarista ayaa Magaalada Nairobi, waxa ay ku xireen laba ruux oo Somali ah.

Raggan la xiray ayaa waxa ay ku eedeysan yihiin inay dadka ka tahriibiyaan Islii, islamarkaana Booliska muddo ay raadinayeen.

Ragga Soomaalida ah ee dadka tahriibinayay ee la qabtay ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Thabit Hanni Yaseen Radman iyo Faren Yassin Radman,waxaana la filayaa in Maanta oo Isniin ah Maxkamad la soo taago.

Saraakiil ka tirsan Waaxda Hay’adda Dambi baarista ee CID-da ayaa waxaa ay sheegeen in dadka la tahriibinayay da’dooda u dhaxeyso 23 illaa iyo 30 sanno,isla markaana xilliga la qabanayay ay ku jireen qol ku yaalla State-ka Ushirika ee Xaafada Islii.

Dhalinyaro kala duwan oo Somali ah ayaa dadka waxa ay ka tahriibiyaan Magaalada Nairobi iyaga oo ka qaata lacago badan.

Kenya ayaa sharcidaro waxa ay ka tahay tahriibka, islamarkaana ciddii lagu qabta iyadoo wax tahriibinaysa waxaa la geeyaa maxkamadda.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com