Dhismo Xarun ay burburiyeen Al-Shabaab oo xariga ka jaray Ra’iisul Wasaare Kheyre

February  25, 2020 (Awdinle Online) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Xildhibaan Sadiiq Warfa aayaa si wadajir ah xarigga uga jaray xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay.

Xaruntaan ayaa waxaa qarax iyo weerar toos ahaa ku burburiyey 23-kii Bishii Maarso ee Sanadkii tegay ee 2019 Ururka Al-Shabaab,iyada oo weerarkaas uu ku dhintey Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Shaqada & Arrimaah bulshada Saqal Ibraahim Cabdalla.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa munaasabadda xarig-jarka ka sheegay in dib u dhis dalka ay tahay mid muhiim u ah Xukuumadiisa,isla markaana dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka hortagaan dadka duminaya dalkooda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kheyre in Xarunta Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha ay muhiim u tahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay kamid noqdeen Shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com