Khasaare ka dhashay Dagaalkii Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray Gobolka Sanaag.

Degmada Laasqoray Subixii hore waxa kadhacay  iska hor imaad u dhexeeya ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland oo kuwada sugan gobolka Sanaag

Sida ay Warbahainta u sheegeen ilo-wareedyo kusugan Sanaag waxa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh inkasta oo aan la heyn tirada rasmiga ah, waxaana labada dhinac kala gaaray gurmad ugu yimid saldhigyadooda ciidan

Dadka deegaanka waxa ay sheegeen in dagaalka uu si iskii ah u istaagay, isla markaana aysan jirin cid kala dhex gashay ciidanka labada maamul illaa hadda, laba ciidan ayaa is horfadhiya sida ay saraakiil katirsan labada dhin u sheegeen Warbaahinta

Goobaha Caafimaadka waxaa la geeyay Askar ku dhaawac kasoo gaaray dagaalka, waxaana looga daweynaya waxyeelada Soo saartay sida dadka deegaanka ay ku warrameen.

Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa dhowr jeer ku dagaalamay  Gobolada Sool iyo Sanaag oo Somaliland iyo Puntland ba ay joogaan degmooyin katirsan goboldaas hayeeshee laba caasimadood ee Sool iyo Sanaag oo kala ah Ceerigaabo iyo Laascaano waxaa gacanta ku haya oo si buuxda u maamula Somaliland.