Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak oo geeriyooday

February  25, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynihii hore ee Masar, Xusni Mubaarak ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada caasimadda ah ee Al Qaahira xilli qalliin lagu sameynaayay sida uu baahiyey Telefashinka Qaranka dalkaas.

Xusni Mubaarak xilk waxaa uu qabtay 1981,waxaana uu maamulayay ilaa 2011-kii, waxaana xilka ka tuuray militariga kaddib kacdoonkii Guga Carabta ee ka dhacay dalkaas.

Maxamed Xusni Mubaarak ayaa waxaa uu ku geeriyoodey da’da 91 sanado ayuu Xabsi ku jiray, isaga oo xurriyadiisii dib u helay sanadkii 2017.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com