Maxkamadda CQS oo Xukun ku ridday Rag ku eedeysan dhac ay ka geystay Muqdisho.

February  25, 2020 (Awdinle Online) –Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun ku ridday Rag loo heystay in ay dhac ka geysteen Magaalada, iskuna dayeen in ay baartaan Askari katirsan Ciidamada Dowladda sida hadalka loo dhigay.

Maxamed Cabduqaadir Maxamed Cumar, Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame iyo Cabdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre waxaa loo heystaa in dhac ku geysan jireen Bastoolad iyo Mooto Bajaaj, iyaga oo dadka ka qaadanaya Telefoonada Gacanta, Kumbiyuutarada iyo waxyaabaha kale ee ay wataan.

Hay’adaha baariska Ciidamada Amniga ayaa Xafiiska Xeer ilaalinta ku wareejiyay kiis dacweedka saddexda ruux ku eedeysan Dhaca, iyaga oo ka duulayo baarista iyo kiis horgeynta Maxkamadda CQS uu xafiiska dalbaday in Xabsiga lagu sii haayo 25-kii November 2019-kii.

Sedaxda eedeysane ayaa Maxmakadda mid mid u weydiisay Eedda loo jeediyay ee ah in ay dhac ka geysanayeen Magaalada Muqdisho, kuna soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada qalabka Sida.

Xafiiska ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay ku soo eedeeyeen Sedaxda eedeysane, waxaana dhankooda hadlayay Qareennada difaacayay.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida waxa ay ugu dambeyn xukun ku ridday Maxamed Cabdulqaadir Cumar oo amartay in lasii daayo, maadaama dambigii loo heystay lagu waayay.

Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame waxaa lagu xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah, halka Cabdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre lagu riday 5-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay Xukunkaas Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida.

Waxaana uu ku dhawaaqay in Xukunsayaasha ay heysta fursad ay ku dalban karaan Racfaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib hadii aysan ku qanacsaneen. 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com