Amar culus oo lagu soo rogay Hotelada Muqdisho & Shirkadaha Dalxiiska

February  26, 2020 (Awdinle Online) –Dowladda Somaliya ayaa waxay awaamiir ku soo rogtay Hotelada Magaalada Muqdisho iyo Shirkadaha Dalxiiska, kuwooda gudaha dalka ka hawlgala.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ku wargeliyay Maamulada Hotelada waaweyn ee magaalada ku yaala iyo Shirkadaha Diyaaradaha Dalxiiska, looga baahan yahay inay isa soo diiwaan-geliyan.

Wasiirka oo Isniintii ka hor hadlayay shirkadaha ganacsiga ee dalka ka hawlgala ayaa qayb ka mida ku wargeliyay in laga bilaabo maanta, ay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska bilaabi doonto diiwaan-gelintooda.

“Shirkadaha Dalxiiska ka shaqeeya, hotelada waaweyn ee Three Star, Four Star iyo Five Star-ka ah, nimankaa meelaha xeebaha ah degan, Shirkadaha Safarka & Dalxiiska, dhammaantood waxaan u sheegaya in berri laga bilaabo, ay wasaaradda bilaabeyso inay diiwaan-geliso Shirkadaha Dalxiiska.”

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in inkastoo caqabado amni ay dalka ka jiraan, hadana aanay ahayn in laga taggo ka shaqaynta arrimaha dalxiiska ee dalka.

Maxamed Abuukar Maxamed, Gudoomiye Kuxigeenka Midowga Wakiilada Duulimaadyada & Dalxiiska Soomaaliyeed oo ku hadlayay afka ganacsatada ayaa sheegay inay diyaar u yihiin fulinta amarka ka soo baxay xukuumadda.

Maxamed Abuukar Maxamed ayaase sheegay haddii la doonayo in dalxiiska dib loo soo noolleeyo, ay uga baahan yihiin dowladda inay baneyso goobihii dalxiiska ee xilligii berri-samaadka.

Dowladda ayaa horey u soo saartay awaamiir ay Maamulada Hotelada Muqdisho uga dalbanayso inay isa soo diiwaan-geliyan, balse waxay noqonaysaa markii ugu horeysay in Shirkadaha Dalxiiska lagu wargeliyo in ay isa soo diiwaan-geliyan.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com