Dhageyso :-Sh. Soomow‘’Dalkaan Caqiidadiisa lagusoo duulay waxay dhashay Qarax,Dil iyo barakicin”

February  26, 2020 (Awdinle Online) –Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Soomoow oo kamid ah Culimada Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa uu sheegay in Wixii ka horreeyey sanadihii Kontonaadkii dalka Soomaaliya in aan laga aqoon wax la yiraahdo Wahaabiyo.

Sheekh Soomow oo Maanta ka hadlayay Munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in waxa loogu yeero Itaxaad, Ictisaam iyo Al-islaax ay dalka yimideen ayna dalka oo shaaficiyo ah u soo direen dalal shisheeye oo soo maalgeliyay.

Sidoo kale Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed ayaa tilmaamay in dalka Soomaaliya oo Caqiidadiisa lagu soo duulay ay ka dhasheen Qaraxyo, Dil iyo barakicin iyo arrimo kale oo aan wanaagsaneyn.

”Wixii ka horreeyey Kontonaadkii dalkan lagama aqoon Wahaabiyo, Itaxaad, Ictisaam, Al-islaax Waxaasoo dhan hadda ayey yimideen waxna way la yimideen oo dalal shisheeye ayaa dalka oo Shaaficiya ah usoo diray soona maalgaliyey” ayuu yiri

Isaga oo sii hadlaayay ayuu ayuu yiri”Dalkaan Caqiidadiisa lagusoo duulay waxay dhashay Qarax,Dil iyo barakicin,Dowladda waxaan leennahay Culimadii dalkaan waa Ahlu-sunna Waljamaaca waxa kaloo jeebabka idin kugu jira ee meelaha kalasoo baxdeen waa idiin kaligiin”.

Ugu dambeyntii Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Soomoow ayaa waxaa uu dowladda Federaalka Soomaaliya u sheegay in dalka Culimadiisa ay yihiin Ahlusunna Waljameeca oo aysan jirin kuwo kale.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com