Dhageyso :-Taliyihii Hore Ee Nabad Sugida Soomaaliya”Amniga Soomaaliya ma hagaagi doono inta Shabaab iyo Ajnabi dalka joogan”

February  26, 2020 (Awdinle Online) –Taliyihii Hore Ee Nabad Sugida Soomaaliya General C/raxmaan Maxamed Tuur Yare ayaa waxa uu ka hadlay arimo Xasaasi ah islamarkaana Qaranimada Dalka Wax udhimaya hadii aan wax laga qaban.

Afar Qodob ayuu kusoo koobay in hadii la hagaajiyo Ay Soomaaliya Dib ugu soo laaban karto Awoodeedii la yaqaanay.

Waa Mida Koobaad sida uu sheegay General Tuur Yare in loo madax banaaneeyo Arimaha Dastuurka iyo dhameystirkiisa.

Mida Labaad ayuu ku micneeyey in Federaalka ay dad umadax banaan aheyn oo ay Dawlado shisheeye dano gaar ah ka leeyihiin sidaasna fara gelin ugu sameeyaan.

Seddex waxa uu C/raxmaan Tuur Yare kaga dhigay Dimoqraadiyada iyo Doorashada Soomaaliya oo gacmo shisheeye maamulaan.

Halka mida Afaraad uu Tuur Yare ku sheegay inay tahay Amniga Soomaaliya oo aan hagaagi doonin inta Shabaab iyo Ajaanibta Soomaaliya kusugan ay iska war hayaan oo xogtana si hoose loo wadaago.

C/raxmaan Tuur Yare ayaa waxa uu ka haray Doorashadii ka dhacday Dhawaan Galmudug isagoo sheegay in uu arkay waxyaabo is daba marin ah oo Dawladu ka sameysay sidii Qoor qoor ugu soo saartay.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com