Qaar ka mid ah Shacabka ku nool Dhuusamareeb oo cadaalad u raadsaday Al-Shabaab

February  26, 2020 (Awdinle Online) –Kadib markii ay Dowladd Soomaaliya la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, waxaa soo badanayey shacabka cadaaladda u raadsanayo kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku heyso qeybo kamid ah deegaanada Galmudug.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta keentay in dadka Dhuusamareeb garsoor u raadsadaan Kooxda Al-Shabaab, haddana inta badan garsoorka Dowladda ayaa la rumeysan inuusan si cadaalad u qaadin dacwadaha isla markaasna ay jiraan lacago laaluush ah oo ay qaataan.

Ciidamada caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa xaqiijiyey inay gacanta kusoo dhigeen laba qof oo ka tirsan Shacabka Dhuusamareeb oo garsoor u raadsanayey kooxda Al-Shabaab.

Labada qof oo ay ciidamada Ammaanka Dhuusamareeb qabteen ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cumar Jowle iyo Axmed Cumarey, waxaana la sheegay inay hadda ku socoto baaritaan ku aadan sababta keentay inay Al-Shabaab garsoor u raadsadaan.

Jowle iyo Axmed Cumarey ayaa la sheegay inay isku heystaan dhul ku yaalo Magaalada Dhuusamareeb, isla markaasna uu Jowle go’aan ku gaaray inuu Axmed Cumarey ka dacweeyo maxkamadaha Al-Shabaab.

Lama ogo haddii ay labadaan shakhsi horey dacwadooda ugu gudbiyeen maxkamadaha Dowladda ee ku yaalo Dhuusamareeb iyo haddii kale.

Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa horey Dowladda Dhexe ugu eedeyey inay dayacday Amniga Dhuusamareeb isla markaasna ay u gacan gelisay Kooxda Al-Shabaab. 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com