Saxaafada Soomaaliya oo soo dhoweysay Mooshinka Baarlamaanka UK

February  26, 2020 (Awdinle Online) –Xoghayaha Ururka Iskutaga Saxafiyiinta Soomaaliyeed Ee FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay inay ka war hayaan Warbixinta laga gudbiyey Sharciga Saxaafada Soomaaliya.

Mooshinkaan ayaa waxaa hadda haya oo gacanta ku dhigay Gudoonka Baarlamaanka UK kuwaas oo ka dhiidhiyey Sharciga Saxaafada Soomaaliya iyo Khaladaadka ku jira.

Macalimuu waxa uu sheegay inay cid walbo oo arintaan iyo sida looga hortegi karo Saxiix uu ku shaqeeyo Sharcigaan Madaxweyne Farmaajo.

Waxay Ururka FESOJ sheegeen inay waxyaabaha khaladaadka ku jira Sharciga ay meel mariyeen Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya ka mid ah in lacag dabaaji ah laga rabo Idaacad markii la furayo iyo caburin kale.

Mar aan weydiinay Su’aal aheyd sida ay u arkaan Ururada kale ayuu sheegay inay ka mideysan yihiin diidmada Sharcigaas.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Awood ahaan Sharcigaan uu siinayo Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya rajana ay ka qabaan Ka Fesoj ahaan in Madaxweynaha uusan saxiixin,oo Labada Aqal Baarlamaanka Dib u eegis lagu sameeyo.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa waxaa ay Baarlamaanka dalkaas u gudbiyeen mooshin ka dhan ah Sharciga Saxaafadda oo ay dhawaan ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada mooshinka gudbiyey ayaa waxaa ay sheegeen in Sharcigaas uu yahay mid ka hor imaanaya Xurriyadda hadalka,walow aan mooshinkaas la horgeyn Baarlamaanka dalkaas si ay uga doodaan.

Xeerka Baarlamaanka Uk ayaa dhigaya in mooshin kasta ay gudbin karaan 6 ilaa 7 Mudane,kadibna ay xildhibaannada cod u qaadaan in mooshinkaas laga doodo,kadibna lagu dhaqaaqo Go’aanka Xildhibaannada.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in arrintaan ay u ololeeyeen Ururka Saxafiyiinta dalka Ingiriiska ee (AUJ) kuwaas Baarlamaanka Uk ka dhaadhiciyey, iyaga oo walaac ka muujiyey qodobo qaar oo ku jira Sharciga Saxaafadda ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya oo ay sheegeen in uu lidi ku Shaqda Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Dad badan ayaa is weeydiinayay maadaama Soomaaliya ay tahay dal madax bannaan waxa sababay in Baarlamaanka Uk ay mooshiin ka gudbiyaan sharci ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya,hayeeshee dadka falanqeeya Arrimaha Soomaaliya iyo Caalamka ayaa waxaa ay sheegeen in UK ay kamid tahay wadamada Dhaqaalaha siiya Soomaaliya.

Sharciga Saxaafadda Soomaaliya oo ay ansixiyeen Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya ayaa haatan waxaa uu sugayaa kaliya saxiixa Madaxweyne Farmaajo.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com