Xarumo ku yaalla Caabudwaaq oo la wareegay Ciidamo careysan

February  26, 2020 (Awdinle Online) –Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu warramayaa in barqanimadii maanta ay la waregeen gacan ku heynta xarumo muhiim ah oo ku yaalla degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo gadoodsan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo labo bil ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadaan oo ka tirsan kuwa Booliska ay qabsadeen maxkamadda Madaniga ee Caabudwaaq iyo saldhigga guud ee degmadaasi.

Tiradada ciidamada ayaa waxaa lagu qiyaasay ku dhowaad 100 askari, kuwaas oo ka mid ah askartii la diiwan galiyey sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii.

Xaaladda ayaa kacsan, iyadoo dhaq dhaqaaq laga dareemayo halkaasi, balse waxaa hadda bilowday dadaallo lagu qanciyo ciidamadaas oo ay wadaan waxgarad deegaanka.

Dhinaca kale weli ma jiro weli wax hadal oo ka soo baxay saraakiisha Galmudug iyo kuwa dowladda, kuna aadan cabashada ciidamadaasi.

Si kastaba ha’ahaatee ciidamada ayaa alaaba gadood sameeya, marka ay waayan xuquudooda dhanka mushaarka ah, taas oo ka mid ah caqabadaha heysta dowladda. 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com