Daawo:-Ahlusunna waljamaca oo dowladda ku wareejisay hubkii iyo gaadiidkoodii

February  29, 2020 (Awdinle Online) –Ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan Guutadda 15-aad oo u badan Ciidankii Ahlusunna ee la qarameeyay ayaa la wareegay Ammaanka Madaxda ugu sareysa Ahlusunna ee kala ah Macalin Maxamuud, Sheekh Shaakir , Ashcari iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Direed.

Taliyaha Guutadda 15-aad Gen Mascuud  Maxamed ayaa gacanta ku haya Madaxda Ahlusunna ka dib markii ay isku dhiibeen.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in Masuuliyadii Amnigooda , tii Magaalada Dhuusamareeb iyo masuuliyada Hubkoodii iyo gaadiidkoodiiba ay Ku wareejiyeen General mascuud Maxamed Warsame oo ah Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad horayna u ahaa Taliyihii Ciidamada Ahlusunna ka hor intaan la qarameyn ciidamada.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa wadda dadaallo kala duwan oo la doonaayo in lagu kulansiiyo Madaxweyne Qoor Qoor iyo Hoggaanka Ahlusunna.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay xarunta INJ ee Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen Madaxda Ururka Ahlusunna.

Xaaladda Magaalada ayaa ah Mid degan, inkastoo ay jiraan cabsi ku aadan Kacdoon dadweyne oo laga cabsi qabo. 

Sheekh Shaakir " amaankeena waxaa masuul ka ah oo aan hubkeena ku wareejinay Gneraal mascuud Taliyaha Guutada 15-aad

Posted by Abdirizak Atosh on Friday, February 28, 2020

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com