Dhageyso :-Wasiirada cusub waxbarashada & Shaqada iyo Shaqaalaha ee KG oo xilkoda la wareegay:- (Sawiro)

March 2, 2020 (Awdinle Online) –Xaflad ay xilka kula wareegayeen wasiirada cusub ee Wasaaradaha waxbarshada iyo shaqaalaha ayaa maanta ka dhacaday xarunta Wasaaradda waxaana ka soo qaybgalay, Wasiirada  cusub ee Wasaaradaha Waxbarashada, iyo shaqaalaha Wasiir Ku-Xigeenada , iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada mamulka iyo howlwadeenada labada Wasaaradod.

Wasiir hore ee wasaarada waxbarshada dowlad goboleedka konfur galbed Cabdiraxmaan Cismaan Malaaq oo xilka wareejinayay ayaa khudbad uu ka jeediyay xafaladda waxa uu kaga hadlay guulihii ay wasaaradda laga soo bilaabo sanadkii 2018 ka ilaa iyo maanta,.

Wasiirka Cusub ee wasaarada waxbarshada dowlad goboleedka konfur galbed Maxamed Yuusuf Xasan oo khudbad jeediyay kadib markuu xilka la wareegay ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda konfur galbed ee anigoo aanan doonan ii dhiibay xilkan, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan si dhow idiin la shaqeeyo, ma noqon doono carqalad idinku soo korortay ee howshii sideeda ayay u sii socon doontaa. Waxaan ka dalbanayaa dhamaan Gudiyada, waxbarashada iyo dhamaan howlwadeenada Wasaaradda inaan isku garab istaagno shaqada lanoo igmaday”.

Dhanka kale Wasiirkii hore ee shaqada iyo shaqaalaha dowlad goboleedka konfur galbed Faysal Cabdullaahi Cali  ayaa dhankiisa sheegay in mudadii uu xilka hayey la gaaray horumar baaxad leh,wuxuuna faah-faahin ka bixiyey wax yaabihii u soo qabsoomay mudadii ay xilka hayay

“Waxaa farxad ii ah inaan maanta xilka wareejino mudo hal sano ah anigoo wax badan ku soo kordhiyey wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ‘

Wasiirka cusub ee Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi  ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo wasiiradii la shaqayn jiray shaqada wacan ee ay soo qabteen, wuxuuna balan qaaday inuu isagu ugu horayn doono isla xisaabtanka.

“Sharaf weyn ayeey ii tahay in xilkaan nalagu aamino aniga iyo shaqaalaha wasaarada, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen )  ayaa na siiyey daardaaran shaamil ah oo dhinacyo badan taabanaya, waxaana ku soconayanaa wadadii uu madaxweynuhu noo jeexay ee ahayd abuurida “NEBA DAA NAAS LA NUUGI LEH ”. Aniga iyo shaqaalaha wasaaradu oo iskaashanayna waxaan u shaqaynaynaa si wadajir ah,

Ugu danbayntii Waxaa afarta Wasiir kala saxiixdeen qoraalkii xil wareejinta waxaana goob jog ka ahaa wasiirka caafimadka , kaluumaysiga iyo khaeyraadka bada ,tamarta iyo macdanta biyah iyo howl wadeenada wasaarada

February 24, ayay ahayd markii Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleeedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, waxa uu xil ka qaadis iyo magacaabis cusub uu ku sameeyay Wasiiro katirsan Maamulkiisa.

Qore: Mohamed Ali Yonis

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com