Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Shir Ka Furay Baydhabo:- (Sawiro)

March 2, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen )  ayaa maanta magaalada baydhabo ee Xarunta gobalka bay ka  Furey Shirka Wasiiradaha Arimaha Deeganka ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka Somaliya

Waxaana ka soo qayb galay shirka xubno ka tirsan gola wasiirada mamulka iyo  qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalda baydhabo .

Kulankaan oo socon doona muddo  maalmo ah waxaana looga hadli doona  Joogtayna Yareynta Dhuxusha iyo Abuurida Nolo kale

Cali Isxaaq Cumar Wasiira wasaarada Beyada iyo Duurjoogta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ugu horrayn sharaxay ujeedooyinka kulanka waxa uu sheegay in ujeedadu tahay in dadka somaliyeed ay fahmaan Joogtayna Yareynta Dhuxusha iyo Abuurida Nolo kale

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed oo kulanka si rasmi ah u furay ayaa uga mahadceliyay wasaarada Bey,ada iyo Duurjoogta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  in kulankan ay ku qabato magalada baydhabo si dadka reer Koonfur Galbeed  ay wax uga ogaadaan geedi socodka Joogtayna Yareynta Dhuxusha iyo Abuurida Nolo kale.

Kulankaan ayaa ah kulankii koowada oo ay qabato wasaarada Bey,ada iyo Duurjoogta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com