AMISOM Oo Lagala Shirey Sugida Amniga Doorashooyinka Dalka:- (Sawiro)

March 3,, 2020 (Awdinle Online) –Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xafiiskiisa Magaalada Muqdisho waxaa uu ku qaabilay Taliyaha iyo saraakiisha Boliiska AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada dhinac ayaa waxa ay uga wada hadlen xoojinta wadashaqeynta labada heyadood iyo sugidda amniga doorashada qaranka ee la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed ayaa Saraakiisha Booliska AMISOM waxaa uu uga mahad celiyey sida wanaagsan ay ula Shaqeeyaan Booliska Soomaaliya,isaga oo ugu baaqay inay dardar geliyaan.

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho ay diyaarineyso Xukuumadda Soomaaliya,waxaana socda u diyaar garowga doorashadaas oo ay wadaan madaxda Dowladda & Taageerayaasha Caalamka.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com