C/raxmaan C/shakuur :-Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland kalama wadanisana

March 3,, 2020 (Awdinle Online) –Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir,oo qoraal kooban soo dhigay Facebook-giisa ayaa ka hadlay dagaalkii u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ee shalay ka dhacay Beled-Xaawo.

Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hoggaamiyo xisbiga Wadajir ayaa sheegay inuu horay uga digay dagaalkaasi oo abuuri karo cadaawad hor leh.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay ciidanka Soomaaliyeed ee haatan dagaalamaya, gaar ahaan kuwa wata magaca Federaalka ee uu sheegay inay Itoobiya taageerayso iyo kuwa wata magaca Jubbaland ay Kenya garabka siineyso aysan kala wadanisaneyn.

Siyaasigaan ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in xalka uu ku jiro Soomaalida oo heshiisa, islamarkaana meel iska dhigto faragelinta dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay kaliya in lala diriro Al-Shabaab ama lala heshiiyo, sida uu hadalka u dhigay.H

Hoose ka aqriso qoraalka :

Waxaa la ii sheegay in labo wiil oo isku hooyo ah ay dagaalkii BeledXaawo labada dhinac ka dirirayeen. Bil ka hor ayaan ka dignay ciidanka lagu dhurayo Gobolka Gedo in uu abuurayo cadaawad iyo colaad sokeeye ayna cidi ka faa’iidaynin. Si kasta oo shaati qaran loo huwiyo, ciidanka magaca Federaalka wata ee ay Itoobiya taageerayso iyo kan magaca Jubbaland wata ee ay Kenya garabka siineyso kalama waddanisana, kalamana Soomaalisana, ee midna hantidii qaranka, qalabkii warbaahin iyo cayayaanka baraha bulshada ayaa halyey ka dhigaya, kan kalena khaa’in ku tilmaamaya.

Inta garashada iyo caqliga u saaxiibka ah way ogtahay in xalku ku jiro Soomaalida oo heshiisa, Kenya, Itoobiya iyo ajnabiga kale oo faraha nagala baxa, Al-shabaab oo aan la heshiinno ama si wadajir ula dirirno.