Cabsi laga qabo Corona dartiis Madaxweyne lugtiisa ku salaamo siyaasi mucaaradka ah

March 3,, 2020 (Awdinle Online) –Aqalka madaxtooyada Tanzania ayaa baahiyay sawir muujinaya madaxweynaha dalkaasi John Magufuli oo lugta ku salaamayo siyaasi ka tirsan mucaaradka oo lagu magacaabo Macalin Seif Shariif Axmed.

Madaxweynaha waxa uu doorbiday in uu lugta ku salaamo dadka si loo dhaqan geliyo tallaabooyinka ay shaaca ka qaaday wasaaradda caafimaadka dalkaas ee looga hortaggayo caabuqa Corona oo farara ba’an ku haaya Caalamka.

Caabuqa Coronavirus ayaa saameyn ku reebay dalal badan, wuxuu kasoo bilowday Shiinaha oo uu ku dilay in ka badan 3,000 qof.

Dowladaha caalamka ayaa heegan ugu jiraa sidii looga hortaggi lahaa Corona.

Qaaradda Afrika, dalalka kala ah Masar, Morocco, Tunisia, Nigeria iyo Senegal ayaa shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Corona.

Abdifitaax Al-Maki Wasiirka Caafimaadka Tunisa oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in 40-jir ah oo u dhashay Tunisia in laga helay Coronavirus, waxaana wasiirka uu sheegay in Talyaaniga uu ninkaan kaga soo galay Tunisia safar dhanka badda ah 27-kii Febaraayo ee sanadkaan 2020.

Ablaye Diouf Wasiirka Caafimaadka Senegal oo dhankiisa warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in ay la tacaalayaan qofka uu lasoo dersay COVID19, waxaana uu bogaadiyay howlaha ay hayaan Hay’adaha ku howlan kahor tagga Coronavirus.

Xanuunka Coronavirus waxaa maalinba maalinta ka dambeyso laga soo sheegayaa dal cusub, waxaana la daweynayaa bukaanno uu horay ula soo darsay, lagana karaantiilay Bulshada.

Insha BBC.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com