Madaxweyne laftigareen oo gaarey degmada Diinsoor:- (Sawiro)

Waxaa Goordhow gaarey degmada Diinsoor ee Gobolka Baay wafdi uu hogagaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen), iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Diinsoor iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas ayaa Garoonka Diyaaradaha degmada Diinsoor kusoo dhaweeyey Wafdiga Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen).

Ammaanka guud ee Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa maanta la adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka muhiimka ee galaya Degmada, waxaana hakad la geliyay isu-socodka Gaadiidka.

Ciidamada ammaanka ayaa taagan waddooyinka Magaalada, waxaana garoonka diyaaradaha Degmada lagu diyaariyay Sawirrada Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareeni yo calanka Maamulka Koofur Galbeed.

Mas’uuliyiinta Magaalada Diinsoor iyo dadka degmada ayaa ka qayb qaatay  soo dhaweynta Madaxweynaha .

Degmada Diinsoor waxa ay dhacdaa dhinaca Koofur Galbeed ee Xarunta Gobolka Baay ee Baydhabo, waxaana ay u jirto 120-Km, Waana Magaalo isku xirta Degmooyin dhowr ah oo katirsan Koofur Galbeed Soomaaliya.

Degmada Diinsoor waxa ay kamid tahay Degmooyinka u go’doonsan Al-Shabaab, waxaana dhowr jeer la weeraray Ciidamo katirsan DFS iyo kuwa Itoobiya oo isaga kala gudbayay Degmooyinka Baydhabo iyo Diinsoor.

Madaxweynaha Koofur Galbeed waxa la sheegayaa in Mas’uuliyiinta Ammaanka uu kala hadlayo sidii loo furi lahaa waddooyinka go’doonsan ee Degmooyinka Gobolka Bay oo ay ku jirto Diinsoor.

U jeedada Madaxweynaha Koonfur Galbeed u tegay degmada Diinsoor ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada koonfur Galbeed waxaa ay ku sheegeen in uu ka qeyb geli doono Xaflad lagu Caleema saarayo Maamulka Cusub ee degmada Diinsoor oo ay dhawaan doorteen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Madaxweynaha koonfur Galbeed inta uu ku sugan yahay degmada diinsoor uu halkaasi ka dhagax-dhigi doono mashaariic horumarineed oo laga fulinaayo degmadaas.

Image may contain: 4 people, people standing and outdoor

Image may contain: 1 person, standing