UN-OCHA: Oo so bandhigtay tirada dadkii ka barakacay dagaaladda Soomaaliya. Bishii Janaayo ee sanadkan

March 3,, 2020 (Awdinle Online) –Hay’da Qaramada Midoobey OCHA ayaa  sheegtay in Colaadda u dhexaysa Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ee Gobolka Gedo ay ku barakaceen ku dhawaad 56,000 ruux oo halkaasi ku dhaqnaa.

Hay’adda ayaa sheegtay in 56,000 ruux ay ku barakeceen colaadaha ka soo cusboonaaday gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubaland lagasoo bilaabo horaantii bishii Febraayo ee sannadkan 2020.

“Waa in wax kasta oo suurtagal ah la sameeyaa si loo yareeyo waxyeello ku timaadda dadka rayidka ah amabubur soo gaara dugsiyada waxbarashada, xarumaha caafimaadka iyo guryaha dadka rayidka ahi degganyihiin,” ayuu yiri Iskuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya, Mr. Adam Abdelmoula.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan kooxaha ay khuseyso in ay qaadaan tallaabo kasta si loo ilaaliyo dadkarayidka ah iyo agabkoodaba.

”Iska hor imaadyadan hubeysan ee soo bilowday 7dii Febraayo iyo xiisadahan cirka isku sii shareeray eedhacay 2dii bisha Maarso waxay sababeen in dad badan oo rayid ah ay ka barakacaan magaalada BeletXaawo iyo xerada barakacayaasha ee Belet Amin.

Dadkan barakacay qaarkood waxay aadeen degmooyinka Doolow, Luuq, goobo isla Belet Xaawo ka tirsanhalka dadka qaarkiina ay u firxadeen dhulka miyiga ah sida lagu sheegay warbixinta.

Waxa kale oojirta in dad loo diiday in ay magaalada ka baxaan ay degeen xaafado magaalada ka tirsan“Waxaa lagama maarmaan ah in qeybaha ku lugta leh colaadahan ay xil iska saaraan sidii dadka rayidka ahiayagoo bedqaba uga soo bixi lahaayeen goobaha colaaduhu ku qabsadeen si ay u helaan kaalmooyinkabini’aadamnimo ee ay u baahanyihiin,” ayuu yiri Iskuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya.

Dad lugu qiyaasay 2.6 milyan oo qof ayaa hadda ku barakacsan gudaha Soomaaliya sababo lala xiriirinayo colaadaha waddanka ka socda iyo mashaqooyin ka dhashay isbedellada cimilada sida lagu sheegay warka ka soo baxay OCHA.

Sannadkii tegay ee 2019oo kaliya, 190,000 oo qof ayay colaaduhu barakiciyeen. Bishii jannaayo ee sannadkan 2020, dad gaaraya 35,000 oo qof ayaa barakacday, 28,000 oo tiradan ka mid ah waxay guryahooda uga carareen xaalado amnidarro.

Soomaaliya waxay u diyaar garoobeysaa sidii ay u dhaqan geli lahayd Heshiiskii Kampala ee Midowga Afrika oo la xiriiray ilaalinta iyo caawinta dadka barakacayaasha ah, heshiiskan oo Madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixay 26kii Nofeembar 2019.

Halkaan ka aqriso War-Xaafadeedka OCHA ka soo saartay Xaaladda Gobolka Gedo.

HC Statement-Gedo Conflict – final draft-English version

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com