Ciidamo ku sugan degmada Diinsoor oo sameeyay gadood

March 4, 2020 (Awdinle Online) –Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa maanta waxa sameeyeen gadood ay uga cabanayaan mushaar la’aan soo wajahday.

Ciidamada ayaa waxa aygudaha u galeen degmada Diinsoor iyagoo go’doomiyay qaybo ka yirsan magaalada sida ay dadka deegaanku  u sheegeen Awdinle Online .

Ciidamada ayaa kulan la qaatay saraakiisha xukuma iyo sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaarada amniga maammulka Koonfur Galbeed, waxa ayna sheegeen in ay arrintan kala hadli doonaan madaxweynahe Lafta Green oo xilligaasi ku soo wajahnaa degmada Diinsoor, Waxa ay ciidamadani hakad geliyeen sdeegyada bulshada sida ganacsiga degmada Diinsoor,iyagoona xiray wddooyinka qaar ee magaaladasi

Magaalada Diinsoor ayaa haatan waxaa ku sugan madaxweyn aha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen, isagoo halkaasi uga qayb geli doona caleema saarka guddomiyaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kaas oo dhawaan ay soo doorteen golaha deegaanka ee degamadaasi.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com