Dhibaato Maka Dhalan Karta Hadii Muddo Kororsi Uu Sameysto Madaxweyne Farmaajo?

March 4, 2020 (Awdinle Online) –Medhane Tadesse, oo ah lataliye sare oo Midowga Afrika ka tirsan ayaa sheegaya Madaxweyne Farmaajo uu isku deyi doonaa in uu waqti ku darsi sameeyo, balse waxaa ka dhalan kartakhatar.

Mudada xilheynta Farmaajo ayaa dhamaan doonta bisha Febraayo sanadka dambe 2021, waana in doorasho la qabtaa waqtigaas, sidda uu xeerinayo Dastuurka ku meel gaarka ah ee waddanku leeyahay.

Tadesse, oo u waramay wargeyska The Article, ayaa qiray in nidaamka federaalka Soomaaliya uu haatan “halis wajahayo”.

Xukuumadda federaalka ayaa lagu eedeeyay in ay kasoo horjeeda nidaamka isla markaana ay burburineyso maamulada aragti ahaan ka duwan.

“Hadii qaab-dhismeedka federaalka uu halis ku jiro, lama filan karo doorashooyin nabdoon, sidda ku xusan dhaqankii hore,” ayuu raaciyey.

Farmaajo wuxuu ku adkeystay in uu hirgelin doono coddeyn qof iyo cod ah, balse waxaa ku xeeran shaki badan, iyaddoo dadka naqdiyey fekerkaas ku doodayaan ammaanka iyo halista Al-Shabaab ka imaaneysa.

Guddiga doorashooyinka ayaa dalbaday 53 milyan oo Doolar si uu ugu qabto doorashooyinka qof iyo cod, oo taariikhi noqon doonta.

Balse, wali ma aysan helin maalgelin ku filan.

“Dabcan, Farmaajo wuxuu isku deyi doonaa in uu muddo kororsi sameysto,” ayuu tibaaay Tadesse, kaasoo aaminsan in aysan dhabaha u

xaari karin doorashooyinka, taas bedelkeeda ay “khatar keeni karto”.

Gabagabadii, Tadesse ayaa kusoo xiray hadalkiisa: “Waxay hurineysaa khilaafka iyo qalalasaha Soomaaliya, waxayna fursad siineysaaxoogaga hubeysan, gobolkana waxay ka abuureysaa colaad heerkeedu hooseeyo”.

Khatarta ayaa la tilmaamay in ay tahay mid isugu jirta heer maxali iyo mid goboleed.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com