Madaxweynaha Koonfur Galbeed  oo Degmada Diinsoor  ku dhagax-dhigay dhismo cusub:-(Sawiro)

March 4, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen )   ayaa dhagax dhigay dhismayaal  cusub oo lagu hergelin doono  Degmada Diinsoor ee gobalka baay .

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa Madaxweynaha ku weheliyey wasiirka xanaada xoolaha xukuumada fedraalka somaliya iyo wasiirada konfur galbed sida Wasiirka qorshaynta ,wasiirka duur joogta , wasiirka gaadidka iyo, Maamulka Degmada Diinsoor  iyo Injineerro ka socday shirkadda fulinaysa mashruucan.

“Runtii sharaf wayn bay noo tahay inaan kasoo qayb galo dhagax dhigga xafladaan iyada oo tilmmaam u ah isbedelka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay tiigsanayso oo ay ugu horayso Maamulada degmooyinka ” Ayuu yiri Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen )

“Mashruucan waxaan rajaynayaa in uu sida loogu talo galay u fulo, wuxuuna tilmaan u yahay sida ay uga go’an tahay Dowladda Koonfur Galbeed  in Hay’adaha Dowladda dib u habayn lagu sameeyo lana tayeeyo” ayuu yiri Madaxweyne Madaxweyne C/casiis (Lafta-gareen )  .

Dhanka kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xadhigga ka jaray dhismayaal cusub oo laga her gelyay degmada diinsoor.

Gabagabadii Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen )  ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Maamulka Degmada Diinsoor  Waxaana uu kulan la qaatay Madaxa iyo qaybaha kal gedisan ee bulshada ku dhaqan degmadaas.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com