SIR: Khilaaf Soo kala dhex galay Axmed Madoobe & Janan

March 4, 2020 (Awdinle Online) –Ilo lagu kalsoon yahay ayaa usheegay Awdinle Online in Khilaaf uu soo kala dhex galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam (Madoobe) iyo Wasiirka Amniga Maamulkaasi C/rashiid Janan.

Faah faahino badan lagama hayo,lamana saadaalin karo xaalada sida ay noqon doonto balse is fahmi waa ayaa jira.

Wararka waxay intaas ku darayaan in la isku qabtay Duulaanka lagu qaadayo Magaalada Buula Xaawo oo Dawlada ciidankeeda si buuxda u maamulayaan.

Axmed Islaam Madoobe ayaa ka hor yimid in hadda la weeraro Degmada Beled xaawo,uuna soo jeediyey in istaraatijiyad kale la abaabulo.

Wasiir Janan ayaa waxa uu ku adkeystay in Duulaanka uu ku qaadayo Beled xaawo uu fulin doono marka uu xaalada caafimaad kasoo laabto magaalada Wajeer.

Kala jabka ku imaanaya Hogaanka Jubbaland waxay guul kale u noqon kartaa Dawlada Dhexe oo isku ballaarineysa Gobolka Gedo.

Dhanke kale Ciidamada Dawalda Soomaaliya Ee Kusugan Gobolka Gedo ayaa waxay sheegeen in Askar badan oo ka tirsanayd kuwa Jubbaland ay isa soo dhiibeen.

Tirada ayaa lagu sheegay inay 12 Askari oo mid yahay Sargaal ahaayeen ciidanka isa soo dhiibay,balse degmada ay kasoo wareegeen lama sheegin.

Ciidankani ayaa si gaar ah uga amar qaadanayey Wasiir Janan,iyadoo la leeyahay waxa hubkooda ay lasoo wareegeen.

Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in ciidankani isa soo dhiibay ay kuwo kale kusoo xigaan sida uu warka udhigay.

Ma heyno war kasoo baxay dhanka Jubbaland iyo Wasiir Janan oo ay kaga hadlayaan Ciidankaasi Dawlada Dhexe sheegtay inuu isa soo dhiibay.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com