Wasiir Janan iyo Cabashada Xildhibaanada Mandheera!

Dowladda Kenya waxa uu culeys siyaasadeed ka heystaa Joogista Magaalada Mandheera Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan iyo cabashada kaga imaaneysa Siyaasiyiinta, Xildhibaanada, Maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada.

Janan oo wato Ciidamo waxa ay ku sugan yihiin Magaalada Mandheera, waxaana maalin kahor dagaal uu la galay Ciidamada DFS ee sugan Magaalada Baladxawo oo daris ah Mandheera.

Xildhibaanada ku jira Laanta Xeer-dejinta Kenya ee kasoo jeeda Ismaamulka Mandheera waxa ay 24-saac u qabteen Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidamada uu wato, kadib markii Kenya ay ka dhega fureysatay dalabyo hore ay ujeediyeen.

Kenya culeyska ugu badan ee wajaheyso ayaa ah in aysan indhaha ka saaban Karin dalabka Xildhibaanada iyo qaybaha kala duwan ee ismaamulka Mandheera, sidoo kalena aysan u sahlaneen in Janan ay ka saarto Mandheera, maadaama Magaalada Baladxaawo oo soohdin wadaag la ah ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda ee 2-dii bishaan dagaalka la galay.

Xukuumadda Nairobi waxa ay xal u raadineysaa sidii Bulshada Mandheera ay ugu qancin lahayd joogitaanka Cabdirashiid Janan, balse ay dajineyso xal kale oo ay uga baaaqsaneyso dagaal saameeya Magaalada oo cabashada ugu badan dhinacyada hadlay ay muujiyeen.

Gelinkii dambe ee shalay Xildhibaanno kulan ku yeeshay Mandheera waxa ay ku hanjabeen in 24-saac kadib ay gacanta ula tagayaan Janan haddii uusan ka bixin Magaaladooda sida ay hadalka u dhigeen.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan waxa uu Magaalada Muqdisho ka baxsaday dhammaadkii bishii Janaayo, Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed ayaa 28-kii Janaayo sheegtay in uu baxsaday Janan, waxaana 31-kii bishaas uu tagay Kismaayo, saacado kooban kadib kaga waxa uu u gudbay Magaalada Nairobi.

Cabdirashiid Janan waxa uu ujeedka safarkii Nairobi ku sheegay in uu u sahlayay tagista Magaalada Baladxaawo, maadaama aan suurtagal noqoneyn socdaal dhulka ah oo uu kaga baxo Kismaayo isaga oo gaaraya Baladxaawo.

Kenya markale waxa ay cadaadis kala kulantay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnest oo 3-dii Febaraayo ka dalbatay in DFS ay u gacan gelisoo Janan, kuna eedeysan yahay dambiyo kala duwan, isla markaana uu ka baxsaday in Cadaaladda la horgeeyo.

Dowladda Kenya kama aysan hadlin hadalkaas, ma beenin mana rumeyn joogista dalkeeda Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ee la doon-doonayo, balse maalmo kadib Cabdirashiid Janan waxa uu gaaray Magaalada Baladxaawo oo uu kaga sii gudbay Mandheera.

Kenya miyay qancin doontaa Xildhibaanada kasoo jeeda Mandheera? Mise go’aan adag ayay ka qaadan doontaa Joogista Wasiirka Amniga Jubbaland Magaalada Mandheera?