Xubin kale Oo Iska Casilay Xisbiga UPD

March 4, 2020 (Awdinle Online) –Waxaa maanta ku dhawaaqday inay ka baxday Xisbiga UPD Ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Hogaamiyo.

Senetor Nuura Faaax Jaamac ayaa waxay sheegtay in wixii maanta oo arbaco ah ka dambeeya aysan ka mid aheyn Xisbigaas ayna ka mahad celisey mudadii ay ku jirtay wada shaqeyntii dhexmartay Hogaanka iyo Xubnaha Xisbigaas.

Nuura Jaamac oo Aqalka Sare Ee Soomaaliya katirsan waxay sheegtay inay arimo iyada u gaar ah iskaga baxday taas oo ay sheegtay inay cadeyneyso inay ka baxday.

Hore waxaa isku casilay C/fitaax Daahir Ismaaciil oo katirsan Golaha Shacabka Soomaaliya,Senetor Muxuyadiin Sheekh Jimcaale,Senetor C/risaaq Axmed Faarax ayaa hore dhamaantood iskaga casilay Xisbiga UPD.

Waxay Dhamaan Xubnaha is casilay ay kasoo jeedaan Deegaanada Soomaaliland,iyagoo saluugay Gudigii 17 Xubnood Ee dhawaan Dawladu Magacowday.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com