Qofkii ugu horreeyay ee ku dhacay Coronavirus oo lagu arkay Koonfur Afrika

Qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay caabuqa Corona ayaa lagu arkay dalka Koonfur Afrika, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka caafimaadka.

Wasiirka wuxuu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in la xaqiijiyay subaxnimadii saaka in qofkaas uu qabo cudurka Corona.

Caabuqa Corona ayaa saameyn ku reebay dalal badan, wuxuu kasoo bilowday Shiinaha oo uu ku dilay in ka badan 3,000 qof.

Dowladaha caalamka ayaa heegan ugu jiraa sidii looga hortaggi lahaa Corona.

Qaaradda Afrika, dalalka kala ah Masar, Morocco, Tunisia, Nigeria iyo Senegal ayaa shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Corona.