Ma gafbaa mise toloow aqoon darra ayaa jirta?.

Isbuuci tagay xasuuqii Aanole ka dhacay ee Mililik ku xasuuqay shacabka Oromiya taariikhdiisa ayaan waxbarashada dalka ka saareynaa ayeey yirahdeen, oromo ayeeyna ka xanaajiyeen, shalayna taariikhdii Kaaramardha inteey xuseen ayeey shacabki Somaliyed ka xanaajiyeen.

Kaaramardha in loo ekeysiiyo meel Dowladdi Dergiga kaliya kaga adkaatay Dowladdii Siyaad Barre, Ethiopiana guul loo qiro in loo ekeysiiyo, waa qalad aad u ballaaran. Taariikhdu markasta waxay u baahantahay in la xuso labadeeda waji, waxay ku fiiriyeen kaliya ishii Dergiga iyagoo hilmaamay taariikhdii shacabka Deegaankaas.

Shacabka Somaliyed iyo Shacabka bariga Oromiyaba dagaalkii waagaas dhacay guul kuma xasuusto laakiin wuxuu ku xasuustaa xasuuqyadii soo gaaray shacabka iyo Barakacoodi ugu ballaarnaa.

Dowladdi Dergigii waagii dagaalku dhacay markii laga adkaaday xanaaqii guul darrada Shacabkii ayeey hubkii waawaynaa la dheceen iyagoon u aabba yeelin somali iyo oromaba, markeey guuleysteenna sidoo kale shacabkii ayeey baabiiyeen iyagoon caruur, waayeel, dumar, magaalo, baadiye iyo wixii la mid ah midna u aabba yeelin. Baadiye iskaba dhaafe war shacabkii daganaa magaalooyinka Harar iyo Dirdhabe ayaa la tirtiray.

Taariikhda dalkani waa mid aad u wajiyo badan, markastana haddaan taariikh ayaan xusi tirahdo waxaad un xusi aragtidi waagaas kuwii xukunka hayey, ee ma xuseysid taariikh ummadaha dalkani wada leeyihiin, haddee Dowladduna waa mid ummadaha dalkan dhammaantood wada matasha, marka taariikhda inta la isku uruuriyo in taariikh midkasta uu ugu yaraan dhib u arkeynin in la dhiso ayaa habboon.

Dhanka kale markaad taariikh xuseysaan waa inaad aad iskaga ilaalisaan inaad hal dhan kaliya ka eegtaan, sababtoo ah qowmiyadaha, mid markuu arrin guul u arko, mid kale ayaa u arkaya ceebeeyn isaga la ceebeynaya, marka maanta in Hogaamiye Oromo ahi uu taarikhda intuu hal dhan kaliya ka eego walaaladeen Somalida ka xanaajiyo waa qalad ballaaran.

Iyadoo la rabay in la dhiso Ethiopia cusub, oo qowmiyad kasta ku faanto, oo positive ah, maxaa keenaya in la soo qufo taariikh hore oo xanuun badan, oo boog ah, loona kicinayo xusuus xanuun badan?. Shacabka Somaliyed maadaamaa marki ugu horreysay hogaan Oromo ahi dalka xukumo waxay billaabeen ineey neefsadaan ooy is yirahdaan xuquuq baanu heleynaa laakiin nasiib darro waxaa muuqata in boogtoodi cusbo lagu shubayo, waana mid xanuun badan runtii. Arrimaha noocaan ah haddaan laga fiirsanin darisnimadeena iyo xiriirkeennaba waa mid mugdi galineysa runtii.

Shacabka Somaliyed innagu inoo daris kaliya ma ahane, waa inoo walaal runtii, halganka Shacabka Oromiya walaalka kaliya ooy lahaayeen waa Somalida, waagii Ethiopia-yadii xumeed billoowday ineey Shacabka Oromiya tirtirto hooskii aan harsannay Somali ayeey ahaayeen runtii. Halgankii Waaqoo Guutuu iyo kii Galaasa Dilboo-ba waxay dabada la galeen Somali, sidaas ayeeyna halkan innagu soo gaarsiiyeen.

Waagii Dowladdii Dergiga gobollada Bariga Oromiya sida Harargee iyo Baali jabhadaha ayaad taageertaan inteey yirahdeen aay xasuuq ku billaabeen Shacabka Oromada ee Beeraleyda ahaa ee gobolladan, dumarkii iyo maatidi xasuuqa ka soo haray waxaan ula baxsannay Somaliya, waagaas runtii intii ka soo hartay xasuuqyadaas waxaa inoo badbaadiyey Shacabka Somaliyed.

Runtii Shacabka Oromada iyo halgankoodaba Dergigii barakiciyey ee xasuuqay iyadooysan ahayn waxay ahayd ineey xusaan abaalkii Shacabka Somaliyed ee maatida inoo qaaday, inoo badbaadiyey, halgamayaasheenina garabka iyo gaashaanka u noqday. Taariikhdeennu waa ineey ku saleysnaataa runtaan bannaanka taalla.

W/Q: Jawar Mohammed.
W/T: Abdullah Abdurrahman Osman