Askari Askari kale dilay oo Xukun dil ah lagu riday

March 7, 2020 (Awdinle Online) –Maxkamada Ciidanka Jubbaland ayaa xukun dil ah ku riday Dable Bile Khaliif Xussein oo ka tirsan Ciidanka Xooga dalka  qaybta 43-aad.

Askariggaan ayaa   5-3-2020 askari kale oo ka tirsan Ciidanka xooga dalka ku dilay Xaafada Farjano  Ee Magaalada Kismaayo.

Marxuumka la dilay ayaa  lagu magacaabi jiray Aadan Dhicis Axmed.

Garsooraha Maxamed Ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ku dhawaaqay in Askariggaan lagu riday Xukun ah.

Waxaa uu sidoo kale uga digay Askarta dowladda iyo kuwa Jubbaland dilka Askarta kale iyo Shacabka degaanada maamulka Jubbaland.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com