Kismaayo oo ka socota Munaasabadda furitaanka Kalfadhigii 2aad ee Barlamaanka Jubbaland

March 7, 2020 (Awdinle Online) –Munaabadda Furitaanka Kalfadhigii 2aad Barlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa goor dhow ka furmeysa howlka shirarka Daawad ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa furi doona Munaasabada Kalfadhigii 2-aad ee Barlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xildhibaanada ayaa Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ku jiray Fasax.

Furitaanka kalfadhiga ayaa kusoo beegmaya xilli dhibaatooyin dhanka Amniga ay ku jiraan degaanada maamulka Jubaland, islamarkaana ay dagaallamayaan Ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda ee ku sugan Gedo.

Madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmad Maxamad Islaam ayaa haatan soo galay hoolka Waamo waxaana si toos ah u furantay munaasabadda furitaanka kal-fadhiga labaad ee baarlamaanka Jubbaland.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com