Magaalada Muqdisho oo isku dilay Nin oday ah

March 7, 2020 (Awdinle Online) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya nin oday ahaa oo maanta isku dilay gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ninkaan oo da’ahaa ayaa la sheegay inuu isku dilay Toorey, xilli uu ku sugnaa qeybta lagu iibiyo maacuunta ee suuqaasi.

Dad goobjoogayaal ah oo isugu soo xoomay goobta ayaa inoo sheegay in ninkaasi uu Mindida isaga dhuftay Dhuunta ama Qoorta, islamarkaana uu ku geeriyooday isla goobta.

Lama oga sababra rasmiga ah ee isku dilay ninkaan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in madaxa looga jiray oo uu xanuunsanaa.

Suuqleyda ayaa oo si aad ah uga baxay falkaan ayaa sidoo kale hadal haya dhacdadaasi.

Ma’ahan falkaan dhacdo ugu ku ah gudaha caasimada iyadoo todobaadkii la soo dhaafay uu is dal-dalay nin ku jiray xero dad lagu dhaqan celiyo oo ku taalla xaafadda Black Sea.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com