MAQAAL: WAA MAXAY DAWLADNIMO – QAYBTII 4AAD

Allaah waxa uu Nabigiisa Muxamad soo saaray iyada oo dadka carbeed ee Jaziiradda Carabta ku nooli ay yihiin dhaqato aan dawlad iyo xaddaarad midna lahayn.

Xilliga uu nabigu soo baxayey waxaa caalamka ugu itaal roonaa dawladdii Persianka oo dib u dhalatay iyo Romankii bari (Byzantine) oo ahaa qayb ka go’day Romankii galbeed ee aynu soo sheegnay in reer miyigii Jarmalku dumiyeen.

Romankaan bari waxaa looga talin jirey Constantinople oo ah Istanbuusha maanta.

Waxa ay ka talinayeen dhul badan oo uu ka mid ahaa gobalka Shaam iyo Masar oo ay Rome la wareegeen xilligii Augustus ee ay Imbaradooriyadda noqdeen, ka dib markii ay tuureen nidaamkii ugu dambeeyey ee Faraaciinta oo ay hoggaaminaysay Fircoonad Cleopatra. (inkasta oo Cleopartra iyo nidaamkeedu ba ahaayeen kuwo dhaqan ahaan faraaciin u ah haddan dhalasho ahaan waxa ay ahaayeen Giriigii Elexender uu Masar ugaga tagey qabsashadii 330bc ka bacdi)

Risaaladii Islaamka ee uu nabigu waday waxa ay islaaxinaysay mujtamaca aakhiradiisa iyo adduunkiisa ba, sidaas daraadeed ayaa dhaqatatii carbeed wax yar kabacdi ba waxa ay dhidibbada u aaseen xaddaarad dawladnimo tii ugu waynad uguna xilliga dheerayd.

Inkasta oo dawladnimadaan fidisteedu ay bilaabatay xilligii Khulufaa’u Raashidiinka, haddana waxa ay dawlad rasmiya noqotay xilligii Amawiyiinta gaar ahaan xilligii Cabdimalik ibn Marawaan. Xilligaan waxaa hirgalay dawlad dhul ahaan ka ballaaran kuwii aynu horay usoo aragnay, nidaam ahaanna ka casrisan. Waxaa kale oo ay uga gaddisnayd nidaamyadii hore, dawladdii islaamku waxa ay hayd mid sharciga oo ah shareecadu uu saldhig u yahay.

Nidaamyadii hore boqorka ayaa sharcigu ahaa, sidaas daraadeed dawladdii Islaamku waxa ay ahayd nidaamkii ugu horeeyay oo dawlad qaanuun oo sal-balaaran ah.

Dawladdii labaad ee islaamiga ahayd waxa ay ahayd tii Cabbaasiyiinta oo uu dhidibbada u aasay Abuu Jacfar Al-Mansuur, saldhiggana ka dhigatay Baqdaad. Dawladdaani si lamida tii Amawiyiinta ayay dawladnimada dhidibbada ugu aastay, xaddaaradda islaamkana u kobcisay. Dhulkii islaamka ayaa marakan ahaa halka dawladnimada, awoodda iyo cilmigu ba yaalay.

Dadyow badan oo raacato ahaa ayaa imminka madani xaddaarad leh noqday, ka dib markii dhulalkii xaddaardaha kala gaddisani ka jireen ee islaamku furtay ay dageen aqoontoodii dawladnimana ay dabbaqeen. Arintaan waxaa si wanaagsan kitaabkiisa Muqadamada ugaga hadlay caalimkii caanka ahaa ee Ibn Khladuum oo noolaa qarnigii 14aad.

Dawladdii Cabaasiyiintu waxa ay heerkeedii ugu saraysay gaartay xilligii Haaruun Rashiid iyo wiilashiisu ka talinayeen. Nasiib daro dawladdaan waxaa soo afmeeray dagaalkii ay soo qaadeen raacatadii Tataarka ee xaddaaradaha colka u ahaa. Wixii ka dambeeyey dhicistii dawladdii Cabaasiyiinta gayigii islaamka kama hirgalin dawlad sal-ballaaran oo dhulka oo dhan cammimta.

Inkasta oo ay jireen dawlado ka hirgalay qaybo kamida dhulkii islaamka sida dawladdii Faadimiyiinta iyo Mamaaliiktii ka dambaysey ee reer Masar haddana dawlad xoog badan oo gayiga oo dhan cammimta waxaa ugu horreysay xilligii Cusmaaniyiinta.

Dawladdii Cusmaaniyiinta

Nasiib wanaag mar saddexaad ayaa dawlad sal-ballaarani gayigii islaamka ka curatay qarnigii 14aad taas oo gayigii muslimiinta mar kale cammimtay. Waa dawladdii Cusmaaniyiinta ee soo gaartay horraantii qarnigii 20aad. Hoggaamiye dhaqameed Sulaymaan Shaah oo hor kacaya jifidiisa ayaa soo gaaray waqooyiga Siiriyada maanta, kadib kolkii uu ka soo qaxay dabkii Tataarka.

Sulaymaan waxa uu yimid dhul uu ka aloosnaa dagaal sokeeye oo u dhaxeeyey labo dawlad-gobaleed oo islaama, waa Salaajiqadii iyo Khawaarisimiyiintii. Waxa uuna gacan siiyey kuwa hore, taas oo guul darro u horseeday kuwa dambe.

Suldaankii Salaajiqada ayaa Sulaymaan ku abaal mariyey dhul uu dago, ka bacdina wiilkiisii Ordoqol ayaa dhulkii sii laba jibbaaray kolkii uu weeraray dawladdii Romankii bari ee Byzantinka. Usmaan oo ahaa wiilkii Ordoqol iyo aasaasihii dawladda cusmaaniyiinta ayaa dhulkii aabihiis hantay dawlad yar ka soo saaray illaa aakhirkii ay hirgashay Ottoman Empire-kii caalamka ba qabsaday ee ay reer Cismaan iska dhaxli jireen.

Dawladdaani waxa ay noqotay dawlad leh nidaam adag oo ka gaddisan nidaamyadii dawladnimo ee ay dawladihii hore ee islaamku ku dhaqmi jireen. Nidaam kaan waxaa saldhig looga dhigay falsafad lagu soo ururshay toddoba qodob. Qodobadaasi waxa ay u dhignaayeen sidaan: 1-Boqortooyo jiri mayso haddii uusan ciidan jirin. 2- Ciidanna jiri maayo haddii aysan hanti jirin.

3-Hanti jiri mayso haddii aysan raciyadi jirin. 4- Raciyad na jiri mayso haddii aysan caddaaladi jirin. 5- Caddaaladi jiri mayso haddii aysan dawladnimo jirin. 6-Dawladnina jiri mayso haddii uusan qaanuun jirin (shareecada). 7- Qaanuun na fuli maaya haddii uusan boqorku awood lahayn.

Sida ka muuqataba nidaamka falsafaddaani ka turjumaysaa waxa uu ka kooban yahay dhadhaabyo isdheelli tiraya. Waa awood dhexe oo xoog badan oo boqorku matalayo, nidaam dhaqaale oo shacabku ka wakiil yahay, ciidan mushaariya oo amniga suga iyo caddaalad iyo qaanuun intaas ba isku haya. Falsafaddaani waa middii sababtay in Cusmaaniyiintii ay noqdaan awood dad badan muquunisay illaa ay labo goor kasoo istaagtay albaabka Vienna oo ahayd xaruntii Holey Roman Empire-ka looga talin jirtey iyo caasimadda Austeriyada maanta.

Dhanka kalana waxa ay dawladdaani bilowday nidaam cusub oo aan horay u jirin oo ah in hawl-wadeenadeeda karti iyo hufnaan lagu xulo. Waxa ay la dirirtay nidaamkii qaraabo-kiilka dadka xilalka loogu magacaabi jirey.

Waxa ay keentay in qofka mudan loo dhiiba booska uu mudanyahay. Intaas oo kaliya kuma ekaan ee waxay abuurtay in xilalka sarsare ee dawladda loo tababaro dad aan suldaanka qaraabo la ahayn.

Waxaa laga soo uruurshay daafaha dhulkii dawladdu ka talin jirtey gaar ahaan dhulkii ay dagganayeen raciyaddii aan muslimka ahayn caruur yaryar oo loo tababaray maamulayaasha mustaqbalka.

Kuwaas oo markii dambe jagooyin waawayn ka qabtay khilaafadii, fulin na jiray hawl-maalmeedkii dawladda. Ummado badan oo dhaqato ahaa ayaa dawlddaan xilligeedii madani dawlad-yaqaana noqday waxaana ugu horeeyey Turkida laftigooda oo markii hore dhaqato reer guuraaya ahaa sidii aynu soo xusnay ba.

xaddaaraddaas dawladnimo ee qarniyaal ka hor ka hirgashay gayigooda wali waxa ay si fiican uga muuqataa dhulka Turkida maanta.

Awdinle Online kala soco qaybta 5aad