MARWADA Madaxweynaha Koonfur Galbeed  OO UGU HAMBALYEYSAY HAWEENKA SOOMAALIYEED 8-DA MARSO:-(Sawiro)

March 8, 2020 (Awdinle Online) –Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed zamzam mahad cabdiraxman  oo maanta ka qeyb gashay munaasabadda xuska maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa bogaadin, duco iyo mahadcelin u jeedisay haweenka Soomaaliyeed ee sooyaalka dalkeenna kaga jira baal dahab ah.

Marwada ayaa xustay qaar ka mid ah haldoorka Haweenka Soomaaliyeed oo tusaale muuqda u ah kaalinta haweenka ee dib u dhiska iyo samata bixinta dalka, iyada oo guud ahaan haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay maalintan caalamiga ah ee loo asteeyey u qareemidda xuquuqdooda.

Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed   ayaa dul-istaagtay duruufaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee soo wajaha dalkeenna iyo saameynta gaarka ah ee ay ku yeeshaan haweenka iyo dhalllaanka Soomaaliyeed ,Marwada ayaa ku baaqday in la xoojiyo isku tashiga, is-garab istaagga iyo midnimada haweenka Soomaaliyeed oo aasaas u ah xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com