Dhageyso :-Gudoomiyaha G/ Hiiraan“hadii aan xalin waayo xalada Buula Burde waan is casilaa”

March 9, 2020 (Awdinle Online) –Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Carraale ayaa weli waxaa uu ku sugan yahay degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan,halkaas oo uu ka wado kulamo xal loogu raadinayo khilaaf dinaca Maamulka ah ee ka jira degmadaas.

Guddoomiyaha ayaa kulan isugu keenay qeybaha kala duwan ee Bulshada,saraakiisha Ciidanka Dowladda & kuwa AMISOM,si xal buuxa looga gaaro mad madowga ka jira Bulshada,kuwaas oo qaarkood diidey Maamul Cusub ee loo Magacaabey degmadaas.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Caraale in uu rajo wanaagsan ka qabo in uu isku keeno qeybaha kala duwan ee Bulshada,isla markaana uu xaliya khilaafka dhanka Maamulka ah ee ka jira degmada hadii uu keeni waayana uu si casilayo.

“Waxaan rajo ka qabaa in aan xaliyo waxa ka jira Buulo Burde runtii Beledweyne oo intaan ka daran kana qabaa’ilo badan ayaan xasilyey Buulo Burdena waa ku orod,balse hadii aan xalin waayo waan si casilayaa ayuu yiri”Guddoomiye Caraale.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare & Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulkaas Maxamed Cali Caadle ayaa dhowr jeer ku lab laabtey Buulo-burde,hayeeshee aysan wax xal ah ka gaarin khilaafka Maamulka ah ee ka jira halkaas,kadib markii Wasiir Caadle uu Maamul Cusub u Magacaabey degmadaas,hayeeshee ay diiden Odayaasha Dhaqanka.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com