Madaxweynaha Jubbaland oo Safar ku tagay deegaanka Dhoobley:-(Sawiro)

March 9, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Safar shaqo ku tagay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya Xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha oo maalmo kahor soo gaabiyay safar shaqo oo uu dhoobley ku joogay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa uu ku daah furay Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha waxaa inta uu ku sugan yahay dhoobley uu la kulmi doona Sarakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool deegaankan.

Safarka Madaxweyne Madoobe ayaa la Aaminsan yahay inuu salka ku hayo Dhaqdhaqaaqyada is diidan ee ciidamada Xoogga Iyo Kuwa Jubbaland ee ka socda degmooyinka Gobalka Gedo ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Xoog kula wareegtay inta badan Maamulada Degmooyinka Gobalka Gedo oo horay u hoos tagi jiray Madaxda Maamulka Jubbaland.

Wararkii ugu dambeeyay ee Safarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegaya Amaanka Dhoobley in Ad loo adkeeyay oo ciidamo badan lagu arkayo inta badan Xaafada Magaalada Dhoobleey.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com