Maxaa ka socda Madaxtooyada Soomaaliya?

Saddexdii habeen ee ugu dambeeyay waxaa la qaaday Madaxtooyada Soomaaliya ilaaladii gaarka ahayd ee ku qornaa kuwaas oo la geeyay degaanka Awdheegle, G/ Shabellaha Hoose.

ku dhowaad 350 askari ayay gaarayaan ciidankaasi waxaana hogaaminaya Axmed Geel iyo Shaafici oo labaduba kamid ahaa saraakiisha ugu sarsareysay ee Madaxtooyada .

Ciidamadan ayaa hayb ahaan isugu jira beelaha Abgaal, Habar-gidir iyo Raxaweyn waxayna badalidooda ay ku soo aadaysa kadib markii muqdisho ay shir ku yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta Mudulood.

Madaxtooyada, Wasaarada Warfaafinta, Tiyaatarka Qaranka iyo Bar kontrolka Ex-Fiyoore ayaa lagu wareejiyay ciidamo cusub oo tababar ku soo dhamaystay xerada General Gordan kuwaas oo tiradoodu gaarayso ku dhowaad 600 oo askar waana ciidan laga keenay magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Caabudwaaq.

Madaxweyne Farmaajo ayaa olalahiisa doorashada markii uu loolanka kula jirey Madaxweyne Xasan Sheikh sheegay in ciidamada ku qoran madaxtooyada ay sidooda u shaqeyn doonaan aysana jiri doonin in masuul kasta marka uu xil qabto uu keensado kuwo isaga ku heyb ah .

Xigasho Munasar Maxamed