Muwaadiniin wadamadooda laga helay Corona oo loo diiday dal ku galka Sucuudiga

March 9, 2020 (Awdinle Online) –Dowladda Sucuudiga ayaa xayiraad ku meel gaar ah ku soo rogtay safarka muwaaddiniinta u dhalatay sagaal waddan,oo laga soo sheegay Caabuqa Coronavirus si loo xakameeyo, loogana hortaga faafitaankiis Xanuunka oo dhibaato ku haaya wadamo badan oo caalamka ah.

Wakaaladda Wararka ee Sacuudi Carabiya ayaa baahsay in sagaalka wadan ay kala yihiin: Emirate, Kuwait, Baxrayn, Lubnaan, Suuriya, Kuuriyada Koonfureed, Masar, Talyaaniga iyo Ciraaq.

Go’aanka waxaa kaloo ka mid ah baaris lagu samaynayo qofkasta oo ka jeeda wadamadaan, 14kii cishe ee lasoo dhaafay, galay Sacuudiga.

Boqortooyada ayaa sidoo kale go’aansatay in ay joojiso duulimaadyada hawada iyo badda ah ee udhaxeeya Boqortooyada iyo wadamada aan soo sheegnay.

Ilo rasmi ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sucuudiga ayaa meesha ka saaray daad-gureynta, dhoofinta iyo safarada ganacsiga, iyada oo la qaadayo talaabooyinka lagama maarmaanka ah.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com