Ra’iisul wasaare Cabdalla Xamdook oo ka bad-baaday Qarax lala beegsaday :- (Sawiro)

March 9, 2020 (Awdinle Online) –Ra’iisul wasaaraha dalka Sudan Abdullah Hamdok ayaa ka bad-baaday isku day lagu dili lahaa, waxaa sidaas goor dhow shaaciyey taleefishinka dowladda oo soo xiganaya wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa.

Sida uu sheegay taleefishinka, kolonyo uu la socday Hamdok ayaa waxaa lala beegsaday qarax ayaga oo socda magaalada caasimadda ee Khartoum.

Ra’iisul wasaraaha oo bad qaba ayaa waxaa hadda lagu hayaa goob ammaan ah, sida uu sheegay taleefishinka.

Faah-faahin goor dhow Nala saco

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com