Daahir Ciirro. “Mid baa lagu Xalin kara Khilaafka DF & Dowlad Goboleedyada waana dhisada Maxkamadda Dastuuri ah”

March 10, 2020 (Awdinle Online) –Daahir Cabdulqaadir Muuse (Ciirro) oo katirsanaa Baarlamaanka 8-aad ee Soomaaliya oo la hadlay Warbahainta muqdisho waxa uu sharaxay waxyaabaha salka uu ku hayo khilaafka ka dhex jira DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

Waxa uu tilmaamay in khilaafka uu ahaa mid soo jireen, isla markaana ay dhowr jeer is qabteen Madaxda Dowladda Dhexe iyo Kuwa Maamul Goboleedyada.

Daahir Ciirro waxa uu sal uga dhiga khilaafkaas in aysan jirin Maxkamadda dastuuriga oo kala dhexgali lahayd kolka is faham darrada timaado, waxaana uu soo jeediyay in la dhiso si looga gudbo is qab-qabsiga.

“Marwaliba waxaa is qabanayay Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, dad badan waxa ay u arkaan in qaladka uu ka yimid Dowladda ama maamul Goboleedka, balse xaqiiqada waa in loo baahan yahay Maxkamadda Dastuuriga oo noqon lahayd halka dib loogu laabto qodobada la isku qabsado” ayuu yiri Daahir Cabdulqaadir Muuse.

Xildhibaan hore Daahir Ciirro waxa uu soo jeediyay in mas’uuliyad la iska saaro sidii loo dhisi lahaa Maxkamadda Dastuuriga oo xal u noqon karta khilaafaadka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Guddiga qaabilsan dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo kan Madaxa Banaan waxa ku howlan yihiin wax ka badalka qodobada dastuurka ee qaarkood la sheego in ay iska hor imaanayaan.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com