Wadamada Afrika ee ilaa iyo hada laga helay Caabuqa Coronavirus.

Kenya, Itoobiya, Suudaan, Guinea iyo Mauritania ayaa dhammaantood waxa ay xaqiijiyeen kiiskoodii ugu horreeyay ee cudurka Coronavirus  waxa ayna kiisaskaas tirada Wadamada Afrika ee laga soo sheegay Xanuunku gaareen ,19 dal oo dhaca qaaradda Afrika.

Afrika illaa iyo hadda waa laga yaraa faafitaanka degdegga ah ee COVID-19, kaas oo uu ku dhacay ugu yaraan 135,000 oo qof ayna u dhinteen in ka badan 5,000  qof guud ahaan Caalamka.

Kiisaska laga soo sheegay Afrika badankood waxa ay ahaayeen ajaaniib ama dad u safray dibedda. Tijaabooyin deg deg ah iyo karantiil lagu sameeyay dadkii laga helay si loo xadido faafitaanka Xanuunka, hayeeshee  waxaa sii kordhaya walaaca  ku saabsan awoodda qaaradda ee maaraynta cudurka.

Kiisaska ayaa laga soo sheegey Morocco, Tunisia, Masar, Algeria, Senegal, Togo, Cameroon, Burkina Faso, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Koonfur Afrika, Nigeria, Cote d’Ivoire, Gabon, Ghana, Guinea, Sudan, Kenya iyo Ethiopia.

Wasaaradda Caafimaadka ee Mauritiania ayaa sheegtay  in bukaankii ugu horeeyey ee cudurka coronavirus ee dalkeeda lagu helo uu ahaa nin reer Yurub ah oo ka soo laabtay Nouakchott 9-kii bishii Maarso.

Senegal waxa ay xaqiijisay 11 kiis oo cusub, kuwaas oo wadarta guud ka dhigay 21 dal oo ku yaal Afrika,waxaana Wasaarada Caafimaadka dalkaasi sheegtay in cudurkaan looga shakisanyahay muwaadin dhawaan ka soo laabtay dalka Talyaaniga uu gaarsiiyay dalkaasi.

Kenya oo ah dalka ugu dhaqaalaha badan Bariga Afrika ayna ku ganacsadaan Shirkado Caalami ah, iyo Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, oo ay ku nool yihiin 109 milyan oo qof ayaa xaqiijiyay kiisaskii ugu horeeyay laga diiwaan galiyay Nairobi iyo Addis Ababa.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa mamnuucay dhammaan munaasabadaha waaweyn ee dadweynaha waxayna cadeeyeen in ay xadidayaan Safarada dibada.

Duqa magaalada Adis Ababa ayaa ku boorriyay muwaadiniinta in ay ka fogaadaan kulamada dadweynaha, laakiin wasiirka caafimaadka Itoobiya ayaa sheegay in aysan jirin qorshayaal lagu joojinayo duullimaadyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay karaantiishay dad lagu arkay astaamaha Caabuqa Coronavirus,waxaana baraha bulshada ka socda fariiro Dowladda Soomaaliya looga dalbanayo in ay joojiso diyaaraha qaadka ka keena dalka Kenya.