Khilaaf ka dhex jira Al-Shabaab dhaxdeeda iyo NISA oo war ka soo sartay

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA, oo dhowaanahan ka hadleysay khilaaf ay sheegtay inuu ka dhex taagan yahay hoggaanka Al-Shabaab, ayaa qoraal cusub oo ay soo saartay ku sheegtay inuu gaar heer ay gadood sameeyaan xubno.

Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah “uu la wareegay” amniyaatka kooxda ee magaalada Muqdisho, kadib “gadood ka dhashay” dilkii Muuse Mucaawiye, sida ay tiri.

Qoraalka NISA oo lasoo dhigay twitter ayaa lagu yiri “ Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye ayaa si toos ah ula wareegay Amniyaatka (Qaraxyada) Gobolka Banaadir, kadib markii uu gadood ka dhashay shirqoolkii lagu dilay Muuse Macalin, iyadoo ay sii korodhay Horjoogayaasha kale ee diidan beegsiga joogtada ah ee Muqdisho.”

Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye ayaa si toos ah ula wareegay Amniyaatka ( Qaraxyada) G-Banaadir, kadib markii uu gadood ka dhashay shirqoolkii lagu dilay Muuse Macalin, iyadoo ay sii korodhay Horjoogayaasha kale ee diidan beegsiga Joogtada ah ee Muqdisho.
Qoraalka NISA ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer.

Qoraal ay NISA soo dhigtay barta twitter 10-kii March, ayey ku sheegtay “in Muuse Macallin xalay saqdii dhexe lagu dilay magaalada Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe” kadib amar la sheegay inuu bixiyey amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah.

Qoraalka NISA ayaa intaas ku daray in xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka Gobolka Banaadir Cumar Maxamed, iyadoo la fulinayey amarka Axmed Diiriye.

Qoraallada NISA ee la xiriira khilaafka ka dhex jira hoggaanka Al-Shabaab ayaa soo billowday 3-dii Febraayo, waxaana lagu sheegay inuu salka ku hayo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka hor-yimid qaraxyada laga fuliyo magaalada Muqdisho.

Xubnahaas ayaa kala ah Mahad Karataay iyo Bashiir Qorgaab, oo sida ay sheegtay uu Axmed Diiriye uu ka saaray golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay ka hayeen xarakada.

Qoraal ay soo saareen Ciidanka Xoogga Dalka, laguna baahiyey warbaahinta dowladda, ayaa lagu sheegay in Bashiir Qoorgaab lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Saakoow ee gobolka Jubada Dhexe, 22-kii Febraayo.

Qoraalka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in Bashiir Qoorgaab uu sidoo kale ahaa madaxii howl-gallada Al-Shabaab ee Kenya, iyo Xubin ka mid ah golaha fulinta Al-Shabaab, uuna sidoo kale mas’uul ka ahaa weerarada xeryaha ciidamada.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com