Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo qayb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Maamulka cusub ee Dhuusamareeb.

March 15, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweyne ku Xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen maamulkii hore ee Caasimada Dhuusomareb iyo maamulka cusub.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo agaasimay waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan labada gole ee dowlada fulinta iyo sharci dajinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.Image may contain: 1 person, standing, text that says 'IMADA GALM TARIKHDA 2020'

Guddoomiyhii hore ee Magaalada Dhusamareeb Nuur Cilmi Cabdulle, ayaa xilka ku wareejiyey Guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay Magaaladda Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow.Image may contain: 4 people, people standing and suit

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobaleedka Galmudug oo ka hadlay munaasabada xil wareejinta ayaa umahad celiyay maamulkii hore ee caasimada, isla markaana kula dardaarmay madaxda cusub in ay si ugu haboon u gutaan masuuliyadda loo igmaday.

Maamulka Cusub ee Caasimadda Dhuusmareeb ee uu dhawaan Magacaabay Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa shaqadooda ugu horaysa tahay ka qayb galka qaban qaabada xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug.

Madaxda cusub ee Galmudug ayaa mudnaan gaar ah siinaya daadejinta iyo baahinta maamulka si loo aas aaso goleyaal deegaan oo matala baahiyaha dadweynaha loogu adeego si hufan .Image may contain: 7 people, people sitting and people standing

Cabdiraxmaan Geedo Qorow ayaa horay sidaan oo kale gudoomiye uga soo noqday Dhuusamareeb,waxaana xilkaasi uu baneeyay 2015-kii xilligaas oo uu Dhuusamareeb uga baxay dagaal dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna waljamaaca.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com