Taliyaha Xoogga oo amray in la soo xareeyo Ciidamada ilaalida u ah Madaxweyneyaashii hore

March 15, 2020 (Awdinle Online) – Taliyaha xoogga dalka sareeye guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa soo saarey warqad amar ah oo lagu soo xareynaayo dhamaan ciimadamada ilaalada u ah qaar ka mid madaxdii xilalka ka degtey oo ay ugu horeeyaan Madaxweyneyshaa hore sida Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Warqadan amarka ah ee uu soo saarey Jeneraal Odawaa taliyaha ciidanka xoogga ayaa waxaa ay kusoo beegmeysaa xili si aad ah loo hadal hayey in ciidamada ilaalada u ah madaxdii hore ee dalka lagala laaban doono, taasi oo sabab looga dhigey in si weyn u mucaarad sanyihiin Dowladda hada jirta.

Lama garan karo waxa ka dhalan kara ilaaladooda laga qaato Madaxweyneyaashii hore ee dalka soo Maray.

Halkan ka akhriso warqadda amarka ah