Dhageyso :-Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo shaacisay xiliga la qabanaayo Imtixaanaadka Dugsiyada Dhexe.

March 17, 2020 (Awdinle Online) –Wasaarada Waxbarashada Galmudug ayaa Shaacisay Xiliga la Qaadayo imtixaanaadka Dugsiyada Dhexe ee Deegaanada Galmudug waxaana loo fariisan doonaa Sodonka Bisha Shanaad sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Galmudug Axmed-deeq Cabdi Maxamed waxaana ka Qaybgali doona ku Dhowaad Shan Kun oo Arday.

Imtixaanaadka ayaa lagu qaban doonaa 25 Xarumood iyadoona la diiwaan galiyey inay u fariistaan Ardayda wax ka Barata 12 Degmado oo ka tirsan Gobolada Galmudug.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in la diyaariyey Guddiga loo Xil-saaray Qabashada iyo Kor joogtaynta qabsoomida imtixaanaadka ka dhacaya Deegaanada Galmudug.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com