Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda oo bixiyey amar la xiriira COVID-19

March 17, 2020 (Awdinle Online) – guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saarey talo ku saabsan COVID-19.

Warqad kasoo baxdey Guddiga shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ayaa lagu tilmaamay in shaqaalaha ay u hogaansamaan talooyinka caafimaad ee ay soo jeedisey Wasaaradda Caafimaadka iyo khubarada kale.

Waxaa muhiim ah baa la yiri in laga taxadaro, loona dhaga nuglaado fariimaha caafimaadka la xiriira.

Halkan ka akhriso warqadda