Weerarkii Janaale Khasaare nooce ah ayaa ka dhashay

March 17, 2020 (Awdinle Online) –Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgalkii shalay Al-Shabaab looga saarey degaanka Janaale, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Taliyaha guutada 16aad ee ciidanka DANAB Ismaaciil Cabdilmaalik Maalin, ayaa sheegay in lix xubnood oo katirsan Xoogga  Al-Shabaab ay ku dhinteen dagaalii shalay lagula wareegay Janaale, kuwaasoo ay ku jiraan hogaamiyeyaal sare .

Taliyaha ayaa yiri “Lix xubnood oo ay ku jiraan Siciid Dheere oo ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee degaanka Ceel-saliini iyo horjooge Bukhaari oo isna qaabilsanaa degaanka Jannaale ayay ciidanka xoogga dalka ku khaarijiyeen howlgalkii shalay”.

Al shabaab kama hadalin hadii uu qasaare ka soo gaaray weerarkaan, hayeeshee waxa ay sheegeen in qarax Ciidanka Dowladda iyo AMISOM kula beegsadeen inta u dhexeysa Buufow iyo Jannaale ay ku dileen in ka badan 30 askari sidoo kalana ay dhaaweceen Tira kala.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa taliska Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay qabsashada deegaanka Jannaale oo kamid ahaa fariisimaha dagaalamayaasha Al Shabaab.

“Waxaan bogaadinayaa guusha ciidamadeenna geesiyaasha ah ka soo hooyeen howl-galka Argagaxisada looga dul qaadayay shacabka ku dhaqan Janaale iyo deegaannada ku xeeran. Waad ku mahadsantihiin gudashada waajibaadka idinka saaran ilaalinta dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

La wareegista Janaale oo aan ahayn mid cusub, ayaa dad badan waxay is waydiinayaan in ay ciidanka dowladda sii haysan doonaan degaanka iyo inay kasoo bixi doonaan, maadaama dhawaan ay soo faarujiyeen Tuulada Tooratoorow bishii January ee sanadkan 2020, labo maalin kadib markii ay qabsadeen.

Howlgallada ka socda Shabeellaha Hoose, oo si gaabis ah ku socda, ayaa ciidanka dowladda waxa ay kula wareegeen tan iyo sanadkii tagey illaa 5 tuulo, oo ku yaalla inta u dhaxaysa Afgooye iyo Janaale, waxaana gobolkan uu muhiim u yahay qabsashadiisa amnig Muqdisho sida ay ku warameen qubarada Amaanka.

Ciidanka dowladda ayaa la filayaa inay dhawaan mas’uuliyada amniga dalka kala wareegaan AMISOM, oo lagu wada in ay isaga baxdo wadanka, maadaama uu waqtigoodii loogu tala-galay uu dhamaadey Dowladaana looga fadhiyo in ay amaanka dalka lawareegto.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com