Dagaal ka dhex Bilowdey Wasiirka iyo Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda (Documents)

March 18, 2020 (Awdinle Online) – khilaaf balaaran oo in mudo ah ka socdey Wasaaradda arimaha dibadda ayaa maanta si weyn dibadda usoo baxay, ka dib markii uu maanta wasiirka arimaha dibadda danjire Axmed Ciise Cawad uu si awood ku hor istaagey magacaabid is bedel aheyn oo uu sameeyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arimaha dibadda Cabduqaadir Axmed Kheyr.

Arintan ayaa timid ka dib markii Wasiiru Dowladaha uu is bedel ku xadidan ku sameeyey Waaxda maamulka ee Wasaaradda arimaha dibadda.

Wasiir Cawad ayaa awood ku hor istaagey una sheegey in aysan soconeynin, socona doonin warqadaha uu qorey wasiiru dowlaha Wasaaradda.

Dhibaatooyinka ka jira wasaaradda arimaha dibadda ayaa ah kuwo aad u bal balaaran oo in mudo ah socodey, waxaana loo sababeynayaa iyadoo in mudo ah wasaaradu aysan laheyn wax hogaanĀ  maamul ah.

Halkan ka akhriso warqadda.