Dhageyso:-Xildhibaano ka tirsan barlamanka fedraalka oo si weyn uga hor-yimid qaar ka mid ah war murtiyeedkii Shirkii Garowe

March 18, 2020 (Awdinle Online)–Xildhibaano  ka tirsan Aqalka hoose ee barlamanka fedraalka somaliya deegan doorashadooda ay tahay deeganada koonfur galbeed somaliya oo manta shir jaraaid ku qabtay magalada baydhabo  ayaa ka hor-yimid war murtiyeedkii laga soo saaray shirkii Wadatashiga Puntland ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe, iyagoona ku tilmaamay in qodobada ka soo baxay qaar aanay macno u sameyneyn shacabka reer Puntland iyo dadka Soomaaliyeed dhamman.

Xubnahan xildhibanada ah waxay shegen in war murtiyeedka loogu gafay maamul goboleedyada dalka oo qaarkodo wada shaqeyn la leh dowladda Federaalka somaliya.

Xildhibaanadan ayay nasiib darro ku tilmamay  in Puntland waxba kama jiraan ka soo qaaday sharciga doorashooyinka oo labada aqal ee Baarlamaanka ansixiyeen, kaddibna uu saxiixay Madaxweyne maxamed cabdulaahi farmaajo.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayay ku sheegen in uu cabad  ku yahay Puntland iyo dowladda Dhexe.

Dhaliisha xildhibaanadan ayay noqoneysa tii labaad oo loo jeediyo shirkii wadatashiga Puntland iyo qodobadii kasoo baxay.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com